Eedo Loo Jeediyay Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Ee Dowladda Federaalka

Somalia news

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsinta ayaa lagu eedeeyay inuu tartan furan oo mashruuc Qandaraas ah ku wareejiyay Shirkado dano gaar ah kala dhaxeeya, wuxuuna ka leexday hanaankii daah furnaanta tartanka maahaariicda ay Hey’adaha Dowlada bixiyaan…

Wararka ayaa sheegay in labada mashruuc oo ku baxaayay 500-US$ ah, iyadoo laga maalgelinaayay Mashruuca Scale-up ee Hey’adda World Bank ayna maamuleyso Wasaarada Maaliyada, labadaan Mashruuc oo ah diyaarinta Sharciyo iyo Siyaasado loogu tala gala Wasaarada Boostada.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyay inuu ku bedelay Shirkadihii ku guuleystay Qandaraaska kuwo uu dano gaar ah ka leeyahay tartankana ka galay kaalimo hoose, ayna si dadban u maamulaan ehelkiisa, waxaana Wasiirka ku gacan siiyay Madaxa Mashruuca Mrs.Isabella Howrd.

180270cookie-checkEedo Loo Jeediyay Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Ee Dowladda Federaalka