Maxa Ka Jira In Ardayda Kuliyada Caafimadka Loo Diiday Tababarada (Practicum)

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa ka soo yeereysa Ardayda dhigata Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacada Ummadda kuwaasoo tababaro ku aadan xirfadooda ka qaadan jiray Isbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in amaro ay soo saartay Wasiirka Caafimaadka looga joojiyay in la siiyo Layligaasi….

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in bilihii ugu dambeeyay ay soo food saareen caqabado Ardayda dhigata Kuliyada Caafimaada ee Jaamacada Ummadda ku aadan tababarada ama Leyliga (Practicum) xirfadda Caafimaadka, iyadoo awaamirtaasi ay soo saartay Wasiirka Caafimaadka taasoo uga joojisay Ardayda iney tababaro ku qaataan Bukaanada Istibaalada.

Wasaarada caafimaada iyo Maamulka Jaamacada ayaa iska fogeeyay iney ku lug leeyihiin, waxeyna ku eedeeyeen dad dano gaar ah ka leh ay faafiyeen warkaasi, iyagoo ku goodiyay iney sharciga la tiigsan doonaan hadii aysan ka waantoobin arrimaha been abuurka ah ee ay faafinayaan.

58800cookie-checkMaxa Ka Jira In Ardayda Kuliyada Caafimadka Loo Diiday Tababarada (Practicum)