Agaasimaha NISA Oo Ku Hungoobay Inuu La Kulmo

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa isku dayo uu ku doonaayay Agaasimaha Hey’adda NISA Adeege Fahad Yasin inuu ku kulmo hoyaga uu ka degan yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ee magaalada Muqdisho…

Sida ay ogaadeen Wariyayaasha Diinah.com news, Agaasimaha NISA ayaa isku daygaasi ayaa ku fashilmay kadib markiiSaraakiisha Xafiiska Hab-maamuuska ee Madaxweynaha Puntland Mr.Saciid Cabdulaahi Dani, ku wargeliyeen ineysan jirin balan horey u dhex martay si uu u arko, waxaana lagula taliyay inuu balan qabsado isna diiwaan geliyay.

Agaasimaha NISA ayaa xiliyadii u dambeeyay waday Olole qarsoodi ah uu kula kulmaayay Hogamiyyaal ay ka mid yihiin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mr.Xasan Sheekh Maxamuud, Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa Adeege Fahad inuu ku dhex milmay Siyaasada gudaha ee dalka.

Mr.Yasin ayaa xiligaan ah shaqsiga ugu tunka weyn Maamulka Fashilmay ee Farmaajo, wuxuuna saameyn toos ah iyo mid dadban ku leeyahay go’aanada qalafsan ee maamulka, wuxuuna dhaqaale ka soo qaadaa Imaarada yar ee Qatar, kuwaasoo lagu caburinaayo Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo horjeeda Villa Somalia.

Dhaqdhaqaaqyada Adeege Fahad ayaa salka ku haya sidii uu u kala dhantaali lahaa shuruucda iyo culeysyada ku soo kordha Mr.Farmaajo, isagoo ay horey ugu eedeeyeen Xsbiyada Mucaaradka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka inuu burburin ku hayo Sharciyada iyo Dastuurka Qabyada ah.

58830cookie-checkAgaasimaha NISA Oo Ku Hungoobay Inuu La Kulmo