Mr.Waare Oo Looga Yeeray Maxkamad Madani Ah

Somalia news

Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa looga yeeray inuu horyimaado Maxkamadda Gobolka Banaadir, Qeybta Madaniga sida ku cad warqad baafin ah oo kasoo baxday Maxkamadda, oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news…

Barwadaan ayaa lagu xusan in Mr.Waare loo heysto dacwad madani ah, inkasta oo aan si rasmi ah loo qeexin waxa ay tahay, waxaana madaxweynihii hore loo qabtay 15 maalmood oa ka billaabaneysa 2-da August, oo hadda toddobaad laga joogo.

Illaa iyo hadda ma cadda, sida uu Mr.Waare uga jawaabay Dacwadaan, Wariyayaasha Warsidahaan ayaa sku dayday inay la xiriirto oo ay wax ka weydiiso balse uma suurta-gelin.

134010cookie-checkMr.Waare Oo Looga Yeeray Maxkamad Madani Ah