Gudoomiyaha Degmada Balanbale Oo Qoraal uu soo saaray kaga Mamnuucay Hogaanka Galmudug..

Somalia news

Warbixin hordhac ayaa daaha ka rogeysa in Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Guddoonka Degaanka Balanbale iyo Maamulka Galmudug, iyadoo xiisadaan la sheegay in salka ku heyso Xilka Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo la sheegay in Mr.Qorqor la doonaayo inuu u magacaabo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha Cabdi Waayeel…

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug uu eedeyn u jeediyay Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo uu ku tuhunsan yahay in Xiisada ka taagan Degaanka Balanbale uu daaha gadaashiisa ka hagaayo, iyadoo Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Degmada Balanbale uu kaga mamnuucay Hogaanka Maamulka Galmudug ineysan imaan karin Degmada.

Wararka ayaa sheegay in Hey’adda NISA ayaa qorsheyneysa iney Degmada Xafiis ka furtaan isla markaasna Tiro Dhalinyarada Degaanka loo qoro/Tababaro, hase yeshee waxaa isku daygaasi ganafka ku dhuftay Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirkiisa Arrimaha Gudaha, xiisadaan ayaa la sheegay iney dab ku sii shiday Ololaha doorashada dhawaan la filaayo in loo tartamo Madaxtinimada Galmudug.

305500cookie-checkGudoomiyaha Degmada Balanbale Oo Qoraal uu soo saaray kaga Mamnuucay Hogaanka Galmudug..