Maxaa Dib u soo Cusbooneysiiyay Is-Rasaaseynta Xoogaga Amaanka Puntland & kuwa PSF.ta..

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa daaha ka rogeysa iney kordheen isku dhacyada hubeysan ee u dhaxeeya Taageerayaasha Maamulka Puntland iyo kuwa Hey’ada PSF-ta kaasoo ka dhacay Saldhigga Boliiska magaalada Boosaaso, Falkaan oo ka dhashay khasaare Dhaawacyo ah oo soo gaaray 3-Qof..

Wararka ayaa sheegaya in Dhacdada (Israsaaseynta) ka dhacdey Shalay oo Arbaca ah magaalada Boosaaso, ayaa wyxuu salka ku hayaa muran ka dhashay xubno ka tirsan PSF oo lagu soo xiray saldhiga bartamaha ee Boosaaso, halka Afhayeenkoodii PSF Maxamuud Jamaal Dooxo laga afduubtay magaalada Boosaaso lagu xiray magaalada Garoowe.

Madaxa Boliiska ee Puntland ayaa ku eedeeyay Dhacdadaan Xoogaga Amaanka PSF, wuxuuna sheegay in bilihii ugu dambeeyay ay kordheen Weerarada Xoogaga PSF ee ku sugan magaalada Boosaaso, iyadoo shaqaaqooyinka u dhaxeeya labada Garab ayaa noqday kuwo joogto ah ku darsoo waxaa magaalada ka jira khad cagaaran oo dhinacayadaan isku gudbi karin mana jirto Cid iska xil saartay in khilaafka mudada soo jiitamaayay lagu dhameeyo wada hadal.

330190cookie-checkMaxaa Dib u soo Cusbooneysiiyay Is-Rasaaseynta Xoogaga Amaanka Puntland & kuwa PSF.ta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *