Maxaa Xiligaan Hey’adda BBC-da u Bedeshay Mowqifkeeda ku aadan Gooni-Goosadka Somaliland..

Somalia news

Inkastoo Muwaadiniin Badan oo Somalia ka soo jeeda ay cabasho u gudbiyeen Wasaarada Arrimaha Dibeda UK oo lagu dhaliilay iney ka gaabsadeen Xasuuqa ay ka wadaan Maleeshiyaadka Muuse Biixi ee Magaalada Laascaanood, hadana dhinaca kale waxaa soo shaac baxaaya…

in BBC-du ay hadda ku baraarugtay iney wax ka badasho Khariiradii hore ee ay u isticmaali jirtay marka ay tilmaamayso Dhulka maamulka Somaliland ka taliyo, iyagoo haatan Gobolada Sool iyo Sanaag ay qirtay iney yihiin Dhulka qaybta ka ah Dowlada Federaalka.

Hey’adaan BBC-da, ayaa ah mid Warbaahineed oo ay Maalgeliso Dowlada Ingiriiska oo ah musdanbeedka tixraaca u ah dooda gooni goosadka maamulka Hargaysa, Khariirada ayaa saamayn ku yeelan doonta Deeqaha caalamka iyo jaangoynta Siyaasada UK Mustaqbalka dhow.

Waa talaabo guul u ah Midnimada iyo Qaranka,gaar ahaan Dadka reer Sool iyo Sanaag, Maamulka Muuse Biixi waxay ku tahay dharbaaxo Siyaasadeed oo aysan kasoo kaban doonin.

253420cookie-checkMaxaa Xiligaan Hey’adda BBC-da u Bedeshay Mowqifkeeda ku aadan Gooni-Goosadka Somaliland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com