Digniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Duuliye Weerar Qorsheynaaya

Somalia news

Hey’addaha Amaanka iyo Siroonka Kenya ayaa la sheegay in Muwaadiniinteeda ka codsadeen iney gacan ka geystaan sidii loo helayaa macluumaad horseedi kara in la qabto sharcigana la horgeeyo Eedeysane Rashid Mwalimu oo ay ku raad joogaan Boliiska gaarka ah Ee Dalkaasi…

Sida laga soo xigtay Warbaahinta gudaha Kenya ayaa lagu sheegay in Eedeysane Rashid uu xiligaan ku sugan yahay Konfurta Somalia, waxaana lagu sifeeyay Nin Hubeysan xirfadiisu tahay Duuliye kaasoo khatar ku ah Amniga gudaha Kenya, waajibaadkiisuna yahay inuu diyaarad afduubto kadibna howlgal is-miidaamin ah ku fuliyo.

Baaritaano hordhaca ah oo la heley ayaa muujinaaya in Eedeysanaha ku lug lahaanshiisa kooxaha argagixisada, wuxuuna Tababaro duuliyanimo uu ku soo qaatay Dalka Philippine lana socday Eedeysane Cholo Cabdi Cabdulle oo haatan u xiran Hey’adaha Amaanka Kenya, Eedesanayaashaan ayaa in muddo saaxiib ahaa waxeyna Kooxda argagixisada Shababka ku biireen sanadkii 2015-kii.

Ilo wareedkaan ayaa sheegaya in Labada Nin ayaa ka qeyb galay tiro weeraro ah oo ay Kooxda Shababka ka fuliyeen Somalia ka hor inta aan loo dirin Keynta Boni halkaasoo la sheegay in lagu soo siiyay kororsi Duuliyanimo ah, iyadoo lagu saleeyay waaya aeagnimadooda xagga duulimaadka iyo aqoonta Luqada English-ka.

Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Cholo la qabtay bishii July 2019-kii gudaha dalka Philippine, isagoo ka mid ahaa ardaydii wax ka baraneysa Dugsiga Duulimaadka Ee All-ais, Xubnahaan ayaa ka sheegay in muddo sanadi ah ay si xoriyad ah u safraayeen iyadoo aan Hey’addaha Amaanka Kenya aysan dareemin dhaqdhaqaaqyadooda, waxaana la sheegay in Xoogoo fudeydkiisa iyo balwadiisa Mr.Cholo uu qarxiyay damaciisa ah inuu Duulinimada u baranaayo inuu qaraxyo ka fuliyo gudaha Kenya, marka la qabtayna Eedeysane Mwalimu wuxuu dib ugu soo laabtay Somalia, iyadoo aan ogeyn halka uu ka soo galay iyo sida uu ku gaaray Konfurta Somalia.


106290cookie-checkDigniino Amaan Oo Laga Soo Saaray Duuliye Weerar Qorsheynaaya