Maxaa Horseeday Hoos u Dhacda Sumcadda Hey’adda NISA

Somalia news

“Maqaal” Waa Dhab in Hey’adda Sirdoonka Soomaaliyeed ay aheyd Hey’ad wakhti, Xoog iyo Dhaqaale badan la geliyay markii dhidibada loo taagay Sanadkii 70-yadii, iyadoo ay ka Hana qaadeen Saraakiil iyo Ciidamo si hufan loogu barbaariyay difaaca Sirta Qaranka lana tayeeyay Aqoontooda ku aadan xuuraanka iyo Lid-Xuraanka…

Iyadoo sidoo kale muddo gaaban gudahood lagu dhisay Hogaamada iyo qeybaha kala duwan ee ay Hey’addu ka kooban tahay, waxeyna muddo gaaban kadib gaartay iney hanato Adkeynta Amaanka Dalka, inkastoo markii dambe ay noqotay Hey’ad lagu caburiyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed isla markaasna u adeegta Kaligii Taliyihii Siyaad Barre.

Xiligaan Hey’adda NISA, maxaa keenay in Sumadeeda hoos u dhac uu ku yimaado, waxeyna caan ku noqotay ku milanka Siyaasada iyo Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo sidoo kale ku caan baxday iney u adeegto Dalal Shisheeye, waxaa lagu eedeeyay 3-dii sano ee u dambeysay iney dilal qorsheysan u geysteen Muwaadiniin, Saraakiil Hey’adda ka tirsan, Hogaanka Hey’adda ayaa lagu eedeeyay iney ka qeyb qaateen Afduubyo iyo madax furasho dhacay.

Farmaajo iyo Fahad waligood mankooda ma gelin dhismaha Hey’adda, iyagoo tiro badan Saraakiil ka tirsan Hey’adda Shaqada ka joojiyay waxaana ay ku bedeleen Xubno ka soo goostay Kooxda Shababka Loogu a magac daray “Laba kaarlayaal”, Tan iyo markii uu curtay sanadka cusub 2022, waxaana Caasimadda ka dhacay afar qarax oo waaweyn, oo loo fuliyay si ka duwan kuwoo hore Dad badan ayaa ku geeriyooday weerarada, waxaana laga cabsi qabaa in Weeraro kale ay dhacaan in Doorashada lagu jiro, waxaana laga bixiyay digiino.

163570cookie-checkMaxaa Horseeday Hoos u Dhacda Sumcadda Hey’adda NISA