Maxaa Hortaagan In Dib U Habeyn Lagu Sameeyo Hanaanka Federaalynta Ee Somalia

Somalia news

Iyadoo uu dhamaad ku dhow yahay hirgelinta Xulashada dadban ee Dalka ka socota, isla markaasna aad loo saluugay qaabka loo maareeyay Howsha boobka & Musuqa ku dhisan ee Doorashada, ayaa Dad badani waxey aamisan yihiin in la gaaray xiligii laga doodi lahaa Nooca Dowladnimo iyo dib u habeynta nidaamka Federaaleynta ee Dalka…

Dhismaha Maamulka Dowlad wanaaga ku dhisan, iyagoo laga soo bilaabaayo gunta hoose (Degmada & Waaxyaheeda) waa iney Shacbigu si toos ah u doortaan, iyagoo laga fogaanaayo in wixii ka dhacay xulashada dadban ee boobka ku dhisan lana xaqiijinayaa in si demuqaraad ah ay u kacaan Doorashada.

Dib u habeynta xafiisyada & Shaqaalaha Dowlada, waxaana lama huraan ah in la siyaasadeeyo Xafiisyada Dowlada lana qorto Kaadiriin judbeysan kuwasoo tacadiyo & awood sheegasho kula kaca Muwaadiniinta ka afkaarta duwan, lana helo xadidaad Dastuuri ah tirada magacaabista siyaasadeed ee Wasaarad & Wakaalad kasta loo oggol yahay.

Afhayeenada lagu qoro inuu aad u taageersan yahay Maamulka xiligaas jira, waan la baabiyaa lana dhisnaa in Wasaarad kasta ay yeelato Afhayeen u gaar ah, sidoo kale Madaxtooyada waa in loo dhisaa Xafiis Isgaarsiineed oo u gaar ah, Idaacadaha & Tv-da Dowlada waa in loo dhisaa Guddi ka Madax banaan Wasaarada & Xafiisyada Madaxweynaha Wasiirka 1-aad.

Dowladda Federaalka & Maamulada Gobolada waxaa lama huraan ah iney yeeshaan Nidaam Biometric ah lana dhisaa Hey’ad u madax banaan socodsiinta Barnaamijka Biometrics ah lana gaarsiiyaa ilaa gobolada & Degmooyinka, in la baabiyo Talisyada Boliiska & NISA lana dhiso Xafiisyo Boliis/NISA oo degaan leeyahay xiriir wada shaqeyn la leh kan Federaalka.

172200cookie-checkMaxaa Hortaagan In Dib U Habeyn Lagu Sameeyo Hanaanka Federaalynta Ee Somalia