Muuse Biixi Oo Looga Yeeray Magaalada Addis Abeba

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in Safar shaqo uu ku gaari doono Magaalada Addis abeba (Ethiopia), Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mr.Muuse Biixi, Sida uu sheegay Wasiirkiisa Warfaafinta (Saleebaan Yuusuf A. kore), Safarkaan Ayaan la ogeyn iney la xiriirto xiisada ka dhalatay iney Ethiopia Ciidamo u diyaarisay ay ku qabsato Degmada Seylac…

Mr.Kore ayaa diidmo xoogan ka keenay “Mala’awaalka” Wararka qabsashada degaanka kor ku xusan, Sanadkii 2017-kii ayaa Dowladda Ethiopia waxey saami ku iibsatay Mashruuca DP World ee Dekada Berbera, inkastoo Ethiopia ay quudareyneyso iney si weyn ugu tirsanaato Dekedaha Djibouti iyo Lamu (Kenya), Siyaasada Fashintay ee “Is-dhex galka Bulshada Bariga Afrika” ee Maamulka Abiy Ayaan weli hirgelin.

Xeeldheerayaasha Arrimaha Somalia ayaa aaminsan in Mr.Muuse Biixi iyo Farmaajaha Fashilmay ayaan sifo sharci ah u heysan iney ku bixiyaan Dhul iyo dekad Soomaaliyeed, iyadoo aan oggolaasho laga heysan Baarlamaanka iyo Shacbiga, waxeyna talaabadaan u muuqataa mid ay Shaqsiyaadkaan danahooda gaarka ah uga hormarinayaan Danta Guud ee Dadka iyo Dalka.

162880cookie-checkMuuse Biixi Oo Looga Yeeray Magaalada Addis Abeba