Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Heshiis Shidaal Ee Somalia Wado

Somalia news

Maamulka Uhuruu ee Kenya waxay sheegay iney welwel xoogan uu ku hayo heshiis baaris shidaal ee la doonaayo in laga baaro aaga xeebaha ee muranka soohdinta badda ee labada dal, iyadoo tilmaamtay iney ka walaacsan tahay in Somalia ay qandaraasyo shildaal ka bixiso aagga lagu muransan yahay…

Wararka ayaa sheegay in Diblomaasi sare oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in Kenya ay isha ku hayso waxyaabaha ka dhacaya Muqdisho, “Nama damqayo ee way na khusaysaa, si kastaba ha ahaatee, Si taxadar leh ayaanu ula soconaa shirkadahaas,” ayuu yidhi Diblumaasigu.

Kenya iyo Somalia ayaa tan iyo sanadkii 2014-kii waxaa ka dhaxeeyay muran dhanka xuduud badeedka ah, markaasoo Muqdisho ay Nairobi uga dacweysay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, iyadoo dowladda Somalia ay dooneysay in dib u habeyn lagu sameeyo soohdinta badda.

Bishii Oktoobar 2021, ICJ ayaa go’aan kasoo saartay dacwadda badda, iyadoo Somalia u xukuntay dhul baddeedkii lagu muransanaa, Balse Dowladda Kenya ayaa waxay wacad ku maray inaysan bixin doonin hal taako oo kamid ah dhulkaasi.

172170cookie-checkKenya Oo Walaac Ka Muujisay Heshiis Shidaal Ee Somalia Wado