Maxaa Ka Dhab Ah In Dowladda Federaalka Ay Kala Shirtay Xaalada Doorashada & Amaanka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay yeesheen Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom, iyadoo Looga dooday xaalada guud ee Dalka & gaar ahaan khilaafka Doorashada..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kukankaan lagu falanaqeeyay Xiisadaha ka dhashay hakinta Hop#086 oo Boob uu ku soo qaatay Eedeysane Fahad Yasin iyo culeys saarka uu ku hayo xubno ka tirsan guddigga Doorashada ee heer Federaal.

Mr.Rooble ayaa u sheegay Wakiilada in Dowladiisu aysan diyaar y aheyn iney dhiig u daadiso soo qabashada Fahad Yasin, iyagoo ku eedeeyay inuu fara gelin iyo hanjabaado uu ku hayo Guddiyada Doorashada, isla markaasna la diyaariyay qorshe wax looga qabanaayo carqaladeynta ay wadaan Farmaajo & Fahad.

Wararka ayaa sheegay in Kulan gaar ah oo ay yeesheen Wasiirada Amniga, Gaashandhigga & Sarakiisha Amisom looga dooday sidii loo adkeyn lahaa Amniga xeyndaabka Hotel Decale oo gudaha garoonka ku yaalo ay guud ahaan maamulaan Ciidamada Amisom, kadib markii Hanjabaado loo jeediyay Guddiyada Doorashada heer federaal.

Waxaa dhici karta in 72-saac ee soo socota in isbedel xoogan lagu sameeyo amaanka Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha isla markaasna Ciidamo Xoojin ah Oo Amisom ka socda la dhigo goobo cusub si loo xakameeyo xaalada amaan ee Garoonka diyaaradaha oo faraha ja baxay.

170840cookie-checkMaxaa Ka Dhab Ah In Dowladda Federaalka Ay Kala Shirtay Xaalada Doorashada & Amaanka..