Maxaa Ka Hortaagan Siyaasiyiinta Soomaalida Qabyo-tirka Dastuurka iyo ku Heshiinta Heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaranka..

Somalia news

Maalmaha & Bilaha soo socda waxaa la filayaa in Xildhibaanada & Senatarada Baarlamaanka Federaalk la horgeeyo heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) iyo cutubyo ka mid ah dastuurka oo la waafajiyey heshiisyadaasi, Heshiisyadaasi oo dhigayay in Golaha fulinta Dalka loo baddalayo nimdaam Madaxtooyo, in dalku yeelanayo laba xisbi oo kaliya, iyo in dalku qaadanayo nidaam-doorasheedka liiska xiran ee metalaadda isku-dheelli-tiran oo hal Degaan ah…

Heshiisyadii hore & Dhibaatada taagan

Qabyadu waxay ka timid laba dhinac. Tan hore, waa inay jiraan qeybo Soomaaliya ka tirsan oo ka maqan heshiiska guud ee Soomaalida oo aan shirkii Carta, Djibouti iyo kii Mbagathi, Kenya aan ka qeyb-galin, Mashruuca hadda Mogadishu ka socda waxaa ka maqan Somaliland, Puntland Xubno Mucaarad ah oo si xoogan u diidan.

Tan labaad, dhowrkii Xubnood ee isku kaliyeeyay Talada Dastuur-qorista 2012-kii waxay ku heshiin waayeen Qodobo muhiim ah oo tiradooda la gaarsiiyo ilaa 14 qodob, Qodobbadan waxaa ka mid ah asteynta awoodaha labada heer-dowladeed, nooca ay noqoneyso hey’adda fulintu (Presidential vs Parliamentary), doorka aqalka sare, maqaamka caasimadda iyo qeybsiga hantida.

Khibarada Soomaalida ayaa aaminsan in Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen mashruuc wada tashi bulsho iyo mid siyaasadeed oo ku filan helin, Waxaana jira welwel weyn oo laga qabo in Dowladda ay dooneyso inay degdeg, qarda-jeex iyo gacan-maroojis ku meel-mariso mashruucan ku fuliso, mashruuc aan wada tashi bulsho iyo mid siyaasadeed oo ku filan helin. Waxaa jira welwel weyn oo laga qabo in dowladdu ay dooneyso inay degdeg, qarda-jeex iyo gacan-maroojis ku meel-mariso mashruucan ay wadato.

Waxaa aad u weyn cabsida ah in Dowladdu dooneyso inay ku xaqiijiso hadafkeeda awood-marooqsiga ah si qardo-jeex iyo wada tashi la’aan ah, Mabaadi’da aasaasiga ee Dastuur samaynta ama dastuur wax-ka-beddelka waxaa ugu muhiimsan in kooxaha ku loollamaya xukunka dalka iyo dadweynuhuba ay ka qeyb-qaataan. Taas in aan la isku deyin, loona socon ayaa muuqata.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Hey’adda Fulinta ay ka madax-bannaanaanayso Labada Gole wax la Aqbali karo ma ahan, Dabcan, Nidaamka Madaxtooyadu waa uu leeyahay waxtar, waxaana ka mid ah in Hey’adda fulintu ay fariisato oo aysan is-baddelin waqtiga xilka, waxaa loo baahan yahay in loo talo badsado oo deg deg la joojiyo Shacbigana taladooda la dhegaysto.

289840cookie-checkMaxaa Ka Hortaagan Siyaasiyiinta Soomaalida Qabyo-tirka Dastuurka iyo ku Heshiinta Heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaranka..