Maxaa Ka Dhab ah in Madaxweynaha Puntland Oo Safar Diyaaradeed ku Tegaayo Degaan-Xeebeedyada Puntland

Somalia news

Kadib markii Madaxweynaha Maamulka Puntland uu ka gaabiyay inuu dib u noqdo magaalada Garoowe, isla markaasna ka fuliyo Howlaha loo igmaday, ayaa waxaa soo shaac baxaaya inuu qorsheynaayo inuu Safar diyaaradeed ku tago degaano xeebeedka Xaafuun, Hurdiya iyo Caluula, halkaasoo ay Farsiimo ka dhisteen Ciidamo huwan ah oo Shisheeye…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Mr.Dani uu maalinta Arbacada ah diyaarad ka raaci doono magaalada Boosaaso isagoo ku sii jeeda degaanada kor ku xusan, waxaa la sheegay in ilaaladiisa gaarka aheyd ay safar dhulka ah ku baxeen, ujeedka ugu weyn Safarka Mr.Saciid Dani ayaa lagu sheegay inuu dhagax dhigaayo Saldhigyada laga siiyay degaanadaasi Ciidamada Huwan ee Hormuudka u yihiin Dalka UAE.

Iyadoo la sheegay in Degaanka Raas-caseyr oo ku taal Gardafuuy oo marin biyood muhiim u ah Maraakiibta Ganacsiga Aduunka oo horey uu u oggolaaday Madaxweynaha Somalia isla markaasna la siiyay Xuquuqul Qalinka oo gaaraya 7-Millions US$ ah, ayaa la sheegay in dhismaha Fariisimadaasi ay ku baxaayaan dhaqaale dhan 57-Millions US$ sida ilo wareedyo ay sheegeen, Mr.Deni iyo Qoyskiisa ayaa qaatay Mashruucyadii Balaarinta Dekada iyo Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.

242250cookie-checkMaxaa Ka Dhab ah in Madaxweynaha Puntland Oo Safar Diyaaradeed ku Tegaayo Degaan-Xeebeedyada Puntland