Wararka La Xiriira Siyaasada iyo Kala Guurka

Somalia news

WARARKA SIYAASADA

Wasiiro Taageersan Mr.Kheyre la sheegay in Loo soo jeediyay iney iska casilaan Xilalka ay ku magacaan yihiin si culeys loogu saaro Kooxda Garabka Madaxweynaha, Oo shaqada ay joogsato inta lagu jiro xiliga kala guurka ah, taasoo aan u saamaxeynin inuu Wax magacaabo Madaxweynaha iyo inuu isku shaandheyn dalbado.

Garabka Farmaajo

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo la sheegey iney aad u taageersan yihiin Madaxweyne Farmaajo qaarkood a ay isku heyb yihiin ayaa la sheegay iney wadaan Mooshin ka dhan ah Mr.Khayre iyo Gudoomiyaha Aqalka sare Mr.Cabdi Xaashi, iyagoo la sheegay iney balanqaadyo been ah ay u sameynayaan Xildhibaanada iyo Senatarada.

Xafiisyada Wasiirka 1-aad Oo Internet-ka Laga haray:-

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xafiiska Raiisul Wasaaraha oo inter-net-kii laga jaray si uusan u qaban Kulamada Online-ka, iyadoo Wararka qaarkood ay sheegeen in Madaxweynaha uu culeys ku saaray kooxdiisa iney soo gudbiyaan Iscasilaad, waxaana ka Ogolaaday dhowr Wasiir oo lagu sheegay Tiradooda 5 kuwaasoo uu hormuud u yahay Ra iisal Wasare Ku xigeenka Mahadi Guuleed, iyadoo Tirada guud ee Golaha Wasiirada ay dhan yihiin 26-Wasiir

Xayiraada Dhaqaalaha iyo Saxiixa:-

Wararka qaar ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu Hogaanka Bangiga Dhexe u qoray Qoraal uu Mr.Kheyre uga joojinayo inuusan bixin karin wax lacag ah.

Wararka ayaa intaa ku darayo sababta Lacagta looga xanibay iney tahay isagoon bixin rabay Qarashka kulanka Maamul Goboleyda iyo Dowlada Dhexe oo 25 Bisha la Doonaayey in uu ka dhaco.

41110cookie-checkWararka La Xiriira Siyaasada iyo Kala Guurka