Somalia iyo Sudan oo kala saxiixday Heshiis dhinac Tayo-dhowrka ah

Africa News Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Heshiis ay ku kala saxiixdeen Dalalka Somalia & Sudan munaasabadaasi ayaa ka dhacday Magaalada Khartoum, iyadoo ay heshiiskaasi ay kala saxiixdeen Hay’adda Tayo-Dhawrka Somalia iyo Hay’adda tayo dhowrka Sudan..

Wararka ayaa sheegay in Heshiiskaan looga gol leeyahay sara uqaadista aqoonta Shaqaalaha Hay’adaha Tayo Dhawra labada dal iyo adkeynta xirirka wada shaqeyneed, Labada Hay’adood ayaa isku afgartay isdhaafsiga shaqaalaha iyo khibradaha la xiriira sheybaarada iyo hormarinta cilmi baarisyada Tayo dhowrka.

Dalka Somalia oo muddo la daala dhacaayay dhibaatooyinka ka dhashay keenista Daawooyin iyo Raashinka tayadoodu hoose, iyadoo aysan jirin Hey’ad baaris ku sameysa kana hor tagta Daawooyinka iyo Raashinka dhacay, Maamulada Dalka ayaa qeyb waxey ka yihiin xulashada xumida Mas’uuliyiinta loo xulaayo iney Hey’adaan Hogaamiyaan.

244520cookie-checkSomalia iyo Sudan oo kala saxiixday Heshiis dhinac Tayo-dhowrka ah