Tiro Hoobiyayaal Xalay Lagu Weeraray Xarunta Villa Somalia & Jahwareer ka taagan Duulimaadyada Caasimada…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Hoobiyayaal ah oo xalay saqdii dhexe lagu weeraray Xarunta Villa Somalia ee magaalada Mogadishu, kadib Digniintii Amni ee USA, iyadoo saakay la werinaayo inuu jahwareer ka taagan yahay Duulimaadyadii Caasimada…

Ilaa hadda Hey’adaha Amaanka wax war ah kama soo saarin Digniintaan iyo Weerarka Hoobiyayaasha lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada, Lama oga ilaa hadda halka laga soo tuuray Hoobiyayaashi iyo hadii ay jiraan khasaare nafeed oo ka dhashay, balse waxaan shaki ku jirin in habacsanaan ay Laamaha Amaanka ka muuqato Halka Madaxweynaha iyo Wasiirka 1-aad ay safaro ku kala aadeen Sacuudiga iyo Egypt.

Xogo loo qaateen ah ayaa iftiiminaaya in qaar ka mid ah Duulimaadyada caalamiga ah ee iman jiray Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho maanta ay dib u dhaceen, sababo xagga amaanka, iyadoo aysan wali Maamulka Xasan Gurgurte uusan shaacin, Maanta ayaa la filayaa inuu Agaasimaha cusub ee NISA xilka la wareego.

320090cookie-checkTiro Hoobiyayaal Xalay Lagu Weeraray Xarunta Villa Somalia & Jahwareer ka taagan Duulimaadyada Caasimada…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *