Turkiga Oo Lagu Eedeeyay Hub Sharci Darro Ah Oo Ku Soo Daabulaayo Somalia

Somalia news

Madasha Midowga Murashixiinta Madaxweynaha wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso in ay u soo gaarsiiso Qeybaha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad waqtigan xasaasiga ah oo doorasho la doonaayo in laga qabto Somalia..,

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in hubkaasoo ay la socoto saanad milatari ay qorsheyneyso Dowladda Turkiga inay Magaalada Muqdisho soo gaarsiiso 16 illaa 18 -ka bishaan Somalia, kuwaasoo la doonaayo in lagu caburiyo Shacbiga Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood inta u dhexeysa 16 ilaa 18 December 2020.

Golohu wuxuu garwaaqsanyahay ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka ee Soomaaliya, hadana golohu wuxuu ka walaacsanyahay xaddigan hub iyo rasaas ah ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan xasaasiga ah ee Doorashada.

Mr.Farmaajo wuxuu horey ugu adeegsaday ciidamada Dowladda iney xoog ku muquuniyaan Shacbiga iyo ku shubasho doorashooyinka Maamulada gobolada qaarkood (Galmudug,Konfur galbeed, Iyo Hir-schabellen), sidaa darteedna shaki kuma jiro in isla ciidamadaan iyo hubka ka imaanaya Turkiga loo adeegsan doono afduubka doorashooyinka soo socda. Sababtaas awgeed, Goluhu wuxuu ka codsanayaa dowladda Turkiga inay dib u dhigto waqtiga keenista hubka aan soo sheegnay illaa laga gaarayo doorashada 2020/21. Waxaan ku rajo weynahay in aad naga aqbali doontid codsigan tixgelin na doontid.

79500cookie-checkTurkiga Oo Lagu Eedeeyay Hub Sharci Darro Ah Oo Ku Soo Daabulaayo Somalia