Xasan Sheekh Oo ku sii jeeda Magaalada Boosaaso Degaanada Puntland

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qabanqaabada Safar ay muddo culeys ku saareysay Dowladda Imaaraadka Carabta Madaxweynaha Somalia si uu uga qeyb galo daahfurka mashruuc lagu balaarinaayo garoonka diyaaradaha magalaada Boosaaso…

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Qandaraaska balaarinta ay wada fulinayaan shirkad laga leeyahay Imaaraadka iyo xubno ka tirsan Qoyska Madaweynaha Puntland, waxaana laga yabaa inta uu joogo Madaxweynaha magaalada Boosaaso inuu kormeer qarsoodi ah ku taga Degmada Caluula iyi Jasiirada Suqadara oo ay Farsiimo ku leeyihiin Ciidamada UAE, USA iyo Israel.

Safarka Xasan Sheekh ee Boosaaso ayaa ku soo beegmay xili bilihii u dambeeyay ay Maamulka Abu Dhabi ay kordhisay farsiimadeeda Ciidam ee Gobolka Bari, iyadoo ka dejisay Ciidamo dheeraad ah, Talaabooyinkaan ayaa soi shaac baxaaya xili bilooyinka soo aadan ay degaanada Puntland galeyso xilli kala guur ah, maadama uu Maamulka Dani kula heshiiyay Xasan Sheekh in Mudada loo kirdhiyo, taasoo abuuri karta dagaalo sokeeye oo dhiig badan ku daato.

227060cookie-checkXasan Sheekh Oo ku sii jeeda Magaalada Boosaaso Degaanada Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com