Maamulka Hargeysa Oo Wajahaaya Dhaqaale xumo Baahsan Kadib Guuldaradii Goojacadde..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Golaha Wakiilada Somaliland deyn lagu yeeshay dhamaan xisaabaadka lacageed ee Bangiyada uga furan Golaha deyn lagu leeyahay, iyadoo Gudoonkuna waxay bilaabeen in ay warbaahinta gudaha iska maagan, iyagoo isku dhaliilaya sida loo kala badsaday Xatooyada xoolaha dadweynaha…

Kadib jabkii Dagaalkii degaanka Goojacadde ee Xoogaga Somaliland ayaa waxaa soo food saaray cariiri dhaqaale oo baahsan kaasoo gaaray taasoo horseeday in Siyaasad iyo Dhaqaale ahaanba ugu jilbaha u dhigto, waxaana laga cabsi qabaa iney ka kacaan kacdoomo hubeysan oo aan ka saameyn yareyn kii Sool ayay wajahaysaa mandiqadaas oo 30-kii sano ee lasoo dhaafay ahayd mid nabad ah.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland uu si weyn u saameeyey, gaar ahaan tan iyo markii ay gubteen labadii Suuq ee ugu waaweynaa, isla markaana ay bilowdeen colaadaha gobolka Sool, Mr.Shire oo kulan la qaatay guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in xoolaha nool ay si wanaagsan u socdaan, balse dhaqaalaha suuqa uu hoos u dhac weyn ku yimid.

“Xooluhu sanadkan meel fiican ayay marayaan, roobkuna wuu da’ay, xooluhuna way caafimaad qabaan, laakiin qaar badan ayaa ku khasaaray roobabkii xad dhaafka ahaa, hase yeeshee, waxa suuqayada dhaqaale hoos u dhac ku yimid, gaar ahaan suuqa magaalada Wajaale oo ay dadku ku nool yihiin. si xun baa loo garaacay, dhaqaalaheenna saamayn ku yeeshay,” ayuu yidhi Sacad Shire.

279490cookie-checkMaamulka Hargeysa Oo Wajahaaya Dhaqaale xumo Baahsan Kadib Guuldaradii Goojacadde..