Maxaa Ka Jira Ergeyntii Qorqor Ee Xiisada Doorashada Oo Horumar Laga Saameeyay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa ergeyntii uu Maalmihii ugu dambeeyay uu waday Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mr.Qorqor ayaa la sheegay inuu Horumar ka saameeyay, kadib markii Kulamo uu la yeeshay Mr.Farmaajo iyo Adeege Fahad Yasin (NISA)….

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Mr.Farmaajo ayaa ogolaaday ergadii uu keenay Mr.Qoorqoor ee ku saabsan xalinta khilaafka ka dhashay Guddiyada Doorashada, gaar ahaan arrinta Kuraasta Xildhibaannada ee Gobolka Gedo, waxaana wararku sheegayaan in la isku fahmay in saddex kursi in lakala bedesho, arrinta Gedo la xalliyo ka hor doorashada oo dib u heshiisiin laga furo labada dhinac.

Waxaan Weli go’aan laga gaarin Xudunta Khilaafka Mr.Farmaajo iyo Mr.Axmed Madoobe Ee ku aadan Ciidamada loo daabulay Gobolka Gedo, iyadoo weli ay taagan tahay xiisadaasi.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa laga war sugayaa inuu jawaab inuu ka keeno Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, iyadoo lagu wado inuu xiriir uu la sameeyo Mr.Axmed Madoobe iyo Mr.Saciid Dani.

84810cookie-checkMaxaa Ka Jira Ergeyntii Qorqor Ee Xiisada Doorashada Oo Horumar Laga Saameeyay