Dagaal Xalay Ka Dhaxey Degaanka Haanta dheer ee Magaalada Mogadishu..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaasoo u dhexeeyay Xoogag ka wada tirsan Dowlada Federaalka, wuxuuna saameyn ku yeeshay Dadka Rayidka ee degenaa Goobta lagu dagaalmay, iyadoo uu ka dhashay khasaare..

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaani uu si gaar ah uga dhacay Xaafada Haanta dheer ee degmada Dayniile, halkaasoo ay ku dagaalameen Xoogag ka kala tirsan Boliiska iyo Xooga Dalka, is-rasaaseyntani uu ka dhalatay muran hareeray dhul ku yaalla halkaasi oo Boliisku ku amreen iney ka guuraan Dadka Shacabka ah ee degan.

Amarka kadib ayaa waxaa la sheegay in xaafadda yimaadeen Xoogag oo hubeysan kana tirsan Ciidamada Xoogga Dalka una abaabulan qaab beeleed abaabul, kuwaasoo la dagaalamay ciidamada Boliiska ee isku dayayay inay dhulkaas ka raraaan shacabka degan.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana ay maqlayeen rasaasta ay si weydaarsanayeen labada ciidan, iyadoo Maamulka Xasan Gurgurte iyo Yuusuf Borsani ay xiisadaha Dhulka la dambeeyaan isla markaasna ay dhiiri geliyaan Boobka Dhulka ee magaalada Mogadishu.

299440cookie-checkDagaal Xalay Ka Dhaxey Degaanka Haanta dheer ee Magaalada Mogadishu..