Maxaa Ka Jira In Dib Loo Soo Nooleeyay Qorshe Inqilaab

Somalia news

Ilo-wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in Saraakiisha Madaxtooyada Villa Somalia ay diyaariyeen qorsho dhan ka ah Hogaanka Maamulka Hirshabeelle, kadib markii laga dareemay iney ka soo horjeedaan Qorshaha Muddo kordhin ra iyo Dib u Doorashada Mr.Farmaajo…

Qorshahaan ayaa ah in sanadkaan dhamaadkiisa ay Wasaarada Gashandhigga u daabuli doono Xarunta Hirshabeelle ee Magalada Jowhar 5,000 oo Ciidamo ah, kuwaaso  isugu jiraa ciidanka lagu soo tababaray Eritrea & Ciidanka Danab oo ay tababareen Turkey.

Markii ciidankaas lageeyo Magaalada Jowhar,  Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka General Odawa Yuusuf Raage ayaa badal ku sameyn doona Ciidamada ka howlgala Gobolka shabeelaha Dhexe, si halkaas loogeeyo ciidamada gaarka ah isla markaasna looga baaqsado dagaal dhaxmara labada ciidan. 

Hadii Ciidamada la bedelaayo hadii ay diidaan, iney tagaan fariisimada amarka lagu siiyay kadib General Odawa ayaa amarayaa in xoog looga saaro Howgalkaasna waxaa si wadajir u fulin doono Ciidamada Qaaska & AMISOM, si Madaxweyne Farmaajo qorshihiisa hirshabeelle ugu dhacdo sida loogu talagalay.

Qorshahaan ayaa ah mid lagu majaxaabinayo Dowlada Hirshabeelle laguna dhisaayo maamul cusub Villa Somalia ka amar qaata, waxeyna ku andacooneysaa waxaa ka dhamaatay Maamulka Hirshabeelle Mudo Xileedkooda, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle isagana wuxuu soo dhaweeynayaa inay la wareegto Dowlada Fadaraalka maamul udhisida Hirshabeelle .

46660cookie-checkMaxaa Ka Jira In Dib Loo Soo Nooleeyay Qorshe Inqilaab