Maxaa Ka Jira In Kenya Ay Baaqsaneyso Dacwada Badda Ee Somalia Kala Dhaxeyso

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya warar aan weli la xaqiijin oo sheegaya in Dowladda Kenya ay ka baaqsan doonto Dacwada Kiiska Badda Ee kala dhaxeeyso Dalka Somalia kaasoo hor yaala muddo sanaado ah laguna waday in berito dib looga bilaabo Maxkamada Cadaalada Aduunka (ICJ)…..

Wararka hordhaca ah oo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.con news ayaa sheegaya in Wakiilada (Qareenada) Dowladda Kenya aysan ka qeyb geli doonin dood afeedka beirto qorsheysan, iyadoo Garsoorayaasha Maxkamada ay darafyada siisay fursado siman taasoo oggolaan laheyd iney Qareenada labada dal ku soo bandhigaan caddeymo xoojinaaya lahaansha Xuduuda badeed.

Garsoorka Maxkamada ayaa todobaadkii tagay soo saartay Jadwalka lagu socon doono dhageysiga kaasoo socon doonaa ilaa Arbacada soo socota, Laakin ka Baaqsashada Kenya ayaa wuxuu dharbaaxo ku noqonaayaa dadaaladii ay ugu jireen sidii ay Xeebaha Somalia loogu xukumi lahaa. taasoo u sahli doonto in Somalia loo xukumo Dacwada.

Maxkamada ayeey u badan tahay iney sii wado dhageysiga Ay mudeysay, inkastoo Jawdalka uu yahay in Qareenada labada la siiyay wakhti ku filan ay ku soo gunaanadaan Gungaarkooda dacwada. Iyadoo Go’aan Maxkamada uu qaadan doono ugu yaraan 4-6-bilood.

101400cookie-checkMaxaa Ka Jira In Kenya Ay Baaqsaneyso Dacwada Badda Ee Somalia Kala Dhaxeyso