Kulamo Wada Tashi Ah Oo U Socda Midowga Musharixiinta & Maamulada Puntland & Jubbaland

Somalia news

Waxaa xiligaan kulan wada tashi ah u scodaa Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta Midowga Musharaxiinta, iyagoo ka wada hadlaya arrimaha doorashada, amniga iyo caqabadaha jira sidii loo xallin lahaa oo doorasho lagu kalsoon yahay dalka uga dhici laheyd….

Kulankaan ayaa qeyb ka yahay sidii dhinacyadaan ay qorshe mideysan uga qaadan lahaayeen xalinta Khilaafka Doorashada iyo Caqabadaha Ciidamada Gobolka Gedo uu geeyay Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday Ee Farmaajo.

Shirkaan ayaa la sheegay iney soo qabanqaabiyay Wakiilada Beesha Caalamka, wuxuuna qorshu yahay sidii looga gudbi lahaa Caqabadaha hortaagan in Dalka ay ka dhacdo Doorasho dadban oo wadar oggol ah, iyadoo Kooxda Farmaajo ay ka caga jiidayaan iney qeyb ka noqdaan dadaaladaan Socda.

101450cookie-checkKulamo Wada Tashi Ah Oo U Socda Midowga Musharixiinta & Maamulada Puntland & Jubbaland