Maxaa Ka Soo Baxay Kulankii Xalay Ka Dhacay Villa Somalia

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan ay xalay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday oo dhinac ah Wasiirka 1-aad ee Xil gaarsiinta, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabelle, Kulankaan ayaa xiriir la lahaa kii habeen hore ay 3-da nin la yeesheen Hogaamiyayaasha Midowga Musharixiinta ee kuwaasoo isla meel dhigay in Rooble la siiyo Doorka Hogaamineed Ee Iclaaminta Kulanka, Hogaaminta Amniga iyo Shirarka Doorashada…

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Axmed Qorqor uu ku dhegay arrintaasi isagoo soo jeediyay in lagula laabto heshiiska Farmaajo, loona sheego inuu heshiiskaasi uu la qaato, markii xalay kula kulmeen Villa Somalia Farmaajo ayaa la sheegay inuu diiday inuu cadeeyo mowqifkiisa, wuxuuna shuruud ku xiray in ilaa Kulanka Baarlamaanka laga warsigo (Sabtida).

Xogaha la helaayo ayaa sheegaya in 3-da Nin Ee duruufo ku qasbeen iney mowqifkooda aysan caddeyn, Waxaa si gaar ah farta loogu goday Mr.Qorqor inuu jilbaha ku dhegan yahay oo aan laga tegin Farmaajo, lamana fahansana faa’iidada gaarka ee uu ku qabo Farmaajo bah-wadaag Siyaasadeed la la sii ahaado shaqsi Siyaasad iyo sumcad ahaan dhintay, waxaana la tuhmayaa in Farmaajo iyo Qorqor ay arrintaan heshiis ku yihiin, waana sababta aan horumar looga gaari karin xalinta xiisada, waxaana ku xeeran tuhun iyo mugdi badan ciyaar-qamareedka Qorqor.

Farmaajo isagoo ka faa’iideysanaaya dabacsanaanta 3-Nin ee Hawiye oo ay cadaadiska saarayaan Wakiilada Beesha Caalamka, Midowga Musharixiinta iyo Odayaasha Dhaqanka, ayuu wuxuu marar badan ku guuleystay inuu bedelo qorshahooda sidoo kale wuxuu wakhtiga ku luminayaa sidii uu Ciidamo gurmad ah uga soo qaadi lahaa Gobolada Gedo, Bay iyo Bakool, waxaana laga cabsi qabaa inuu xirfado iyo shuruudo cusub uu adeegsado.

Waxaana weli taagan walaaca laga qabo in Farmaajo uu isku fasaxo Xildhibaanada iyo Wasiirka 1-aad, talaabadaan oo soo dedejin karta in dagaalo lagu hoobto ay ka dhacaan caasimada, ku darsoo hadii ay sida la qorsheynaayo u dhacaan oo laga noqdo Muddo Kordhinta, Waxaa weli shaki ku jiraya sida loogu wareejin karo awooda Doorashada, Iclaaminta Kulanka iyo Hogaaminta Amniga.

115790cookie-checkMaxaa Ka Soo Baxay Kulankii Xalay Ka Dhacay Villa Somalia