Odayaasha Dhaqanka Gobolka Nugaal Oo Codsi u diray Guddiga Doorashada

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka iyo Nabadoonada Gobolka Nugaal ay qoraal u direen Guddiga Doorashada, iyagoo ka dalbaday in dib loo dhigo diwaangelinta doorashada degaanada…

Wararka ayaa sheegay in Qoraal ay ku saxiixan yihiin 30 Odayaal Dhaqameed ayaa ka codsaday Guddiga TPEC in Diiwaangelinta Doorashada dib loogu dhigo Gobolka, waxeyna ku sababeeyeen abaaro ba’an iyo Xoolo dhaqatada oo Xoolahooda degaano kale baad iyo biyo ugu raadiyeen.

Diiwaan gelinta Doorashada oo laga fuliyay Gobolka Bari ayaa la sheegay iney qaadaceen 4-Xisbi iyagoo ku tilmaamay mid hal dhinac ah oo muddo kororsi xambaarsan, waxeyna sheegeen in Diiwangelintaasi ay u sio baxeen Dad aad u tiro yar, sida uu xaqiijiyay Hadal hayeenka Guddiga Doorashada.

240000cookie-checkOdayaasha Dhaqanka Gobolka Nugaal Oo Codsi u diray Guddiga Doorashada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com