Kulamo Maamulka Jubbaland Ka Dhan Ah Oo Mogadishu Ka Socda

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa in Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Kulamo kula leh Muqdisho beelaha ka soo jeeda Jubaland qaarkood, Shirarkan oo aan la sii shaacinin, waxay diiradda saarayaan siyaasadda dowladda federaalka Somalia ee ku aaddan Jubaland haddii isbeddel dhaco…

Xildhibaanno uu ka mid yahay Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in Murrashaxiinta looga baahan yahay inay caddeeyaan mowqifkooda Jubaland. Waxaa Muqdisho ka socda shirar ay ka qeybgaleen odayaal lagu tilmaamay reer Jubaland lagagana arrinsanayo sida loo soo xuli karo xildhibaanno iyo Senatarro haddii wadahadallada doorashooyinku burburaan mar kale.

Inkastoo Sheekh Shariif Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ka qeybgaleen xafladdii lagu caleemo-saaray Axmed Maxamed Islaam 2019kii, ma cadda inay taageersan yihiin laalidda go’aanka Dowladda Federaalku ugu aqoonsatay maamulka Jubaland mid ku meelgaar ah oo muddo-xileedkiisu dhammaan doono dhowr bilood kaddib sanadkan.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta ku dhowdhow Axmed Madoobe oo aan doonayn in magaciisa la xuso ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in “Sheekh Axmed Madoobe og yahay halista siyaasadeed ee ku gadaaman maamulkiisa haddii isbeddel dhaco iyada oo go’aankii dowladda federaalku maamul ku meelgaar ah ugu aqoonsatay Jubaland uu weli jiro.” Waa sababta Jubaland uga soo horjeeddo in Madaxweyne Farmaajo mar labaad ku guuleysto madaxtooyada Somalia, ayuu siyaasigu ku daray.

115820cookie-checkKulamo Maamulka Jubbaland Ka Dhan Ah Oo Mogadishu Ka Socda