Maxaa Ka Soo Kordhay Kulankii Xalay ee Villa Somalia

Somalia news

Faahfaahino hordhac ah ayaa laga helayaa Kulankii M.Farmaajo iyo Sheekh Axmed Madoobe ay xalay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada, iyagoo wararka qaarkood ay sheegayaan iney dhinacyadaan isaga soo dhowaaday sidii hore, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo loo qaateen ah…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in qodobkii ugu muhiimsanaa ee Ciidamada Gedo ayeey ka gaareen is faham hordhac ah, iyagoo loo saaray Guddi ka shaqeynaya qaabka Farsamo ee xal looga gaari lahaa arrinta Gobolka Gedo, Sidoo kale waxaa maanta lagu wadaa in kulan wadjir ah oo 3 geesood ah yeelan doonaan M.Farmaajo, Mr.Deni iyo Sheekh Axmed Madoobe, kulankaas oo ah mid quraac ah oo lau gorfeyn doono qodobada xasaasi ah oo ay ka mid tahay Heshiiskii Dhuusa mareeb-3 iyo sidii wax looga bedeli karo waxna loogu kordhin karo arrimaha.

Wararka ayaa sheegaya in la isla qaatay in kulamada soo socda ay ku soo biiraan Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed, Xisbiyada Mucaaradka iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, taasoo Madaxweynuhu dhankiisa ogolaaday inuu martiqaadi doono.

58870cookie-checkMaxaa Ka Soo Kordhay Kulankii Xalay ee Villa Somalia