Maxaa Kala Socotaa Xaraashka & Boobka Dhulka Danta Guud ee Villa Somalia ay Qorsheysa

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa xaraash iyo boob Tiro dhulal dan guud ah oo ku wada Yaala Caasimada Mogadishu, iyadoo Maamulka Xasan Sheekh lagu eedeeyay iney bixiyeen Dhulka danta guud lana kala siiyay Ganacsato, Xildhibaano, Mas’uuliyiin iyo Shaqsiyaad…

Xogtaan ayaa sheegtay in Dhulalka ay qorsheysay inay xaraashto Dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh ay kala yihiin:-

-Warshada Caanaha waxaa la siiyey Cabdinasir Cali Adoon iyo Faysal Xaaji (Salaam Bank) waxa uu noqday 108 Boos oo midkiiba yahay 20M*15M waxaana midkiba lagu qiimeyay 110-Kun dollar.

Wakaalada Hargaha iyo Saamaha oo horey loo siiyey Xaaf,ayaa laga warejiyay waxaana lagu wareejiyey Saabir Shuuriye, sida qorshuhu yahay waxaa laga dhigi Doonaa Supermarket weyn iyo Suuq (Mall).

Carwadii Taleex waxaa ka soo baxday 340 Boos midkiiba lagu qiimeyey 140 kun,waxaana loo xilsaaray howshaas Gudoomiye ku-xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh, Abshir Bukhaari iyo Cabdiraxmaan Odawaa.

-Shiirkoole Ofishaale dadka degan waa laga saarayaa Beeciisa weli lama goynin, waxaase loo xilsaaray Saadaq John.

-Warshada Barafuunka waxaa loo xilsaaray inuu iibkiisa soo jaangooyo nin la yiraahdo Xasan Dheere oo ah Gudoomiye kuxigeenka Howlaha ee Gobolka Banaadir.

-Warshada Baastada waa la naqshadeeyey,waxaa kasoo baxay 106-Boos 20M* 20M halkii boos waxaa lagu qiimeyey 60-kun dollar.

-Wakaalada Xooga Korontada EENEEYO degmada Xamarweyne waxaa hadeer degan Shirkada BECCO waxaa la hor dhigay inay ka guuraan ama gataan Cabir 120M*220M waxaana loo sheegay in qiimaha yahay 4-Million dollar.

-Xera Ruush kasoo horjeedka Cisbitaalka Xooga oo Guryaha ku yaala,ay intooda badan ku burbureen dagaaladii sokeeye,ayaa iyaduna Iib ah.

-Isbitaalka Laansaleeti waxaa macquul ah in dhulka cisbitaalka laga iibiyo Bankiga MY BANK.

-Garaash Geedoole oo ahay Xaruntii Inji ee keydka Dalaga qeybta Kaaraan,waxaa lagu qiimeeyey lacag Lix Milyan oo dollar ah.

-Bangariya KPP waxaa laga iibinayaa HASS Petroleum waxaa socdo wada xaajood.

-Xerada Oodweyne waxaa degan dad badan oo shacab ah sidaas awgeed waxaa la tirakoobay tirada boosaska 4,308 Boos, Booskiiba waxa lagu qiimeeyey 28-kun ilaa 30-Kun dollar guud ahaan qiimaha dhulkas waxa lagu qiyaasay 130 million dollar, arinka dhulkan waxa ka taagan xaalad adag wa dhul dad degan yihin oo ay gateen ayna fasaxday dowladii hore ee Xasan Shiikh oo uu wakiil ka ahaa Gudoomiyihii Gobolka Banaadir.

Dhammaan dhulalkan iibkooda waxa loo xilsaaray in sharciyadooda dhameeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyadoo Wareegto Madaxweyne lagu fasixi doono.

248540cookie-checkMaxaa Kala Socotaa Xaraashka & Boobka Dhulka Danta Guud ee Villa Somalia ay Qorsheysa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com