Sarkaal Boliis ah oo Sacuudiga u Dhashay oo Soo Saaray Qeylo dhaan

World

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Boliiska Sacuudiga oo si cad u dhaleeceeyay Hogaanka Boqortooyada tan iyo markii uu ka goostay horaantii Bishaan ayaa sheegay inuu Naftiisa u baqaayo, kadib markii Madaxiisa la dul dhigay abaal marin lacageed oo lagu faafiyay Baraha Bulshada siiba Tweeter-ka..

Sarkaalkasn oo Darajadiidu lagu sheegay Gaashanle Sare, ayaa lagu magacaabaa Rahib Alenezi 44-sano jir ah, wuxuuna xiriir toos ah la sameeyay Boliiska UK, isagoo u sheegay in Madaxiisa la dul dhigay Abaal marin Lacageed oo dhan $2,662 una dhiganta 10.000 R-Sacuudiga.

Taageerayaasha Maamulka Boqortooyada Sacuudiga ayaa aad u faafiyay Qoraalka iyo Sawirkiisa, waxeyna tilmaameen inuu ku dhuumanaayo Xafaado ka mid ah Magaalada London oo xiligaan uu ku sugan yahay Sarkaalka lagu raad joogo, Wuxuuna ka codsaday Boliiska & Dowladda UK iney badbaadiyaan Naftiisa.

248600cookie-checkSarkaal Boliis ah oo Sacuudiga u Dhashay oo Soo Saaray Qeylo dhaan