Maxaa ka run ah in Banaanbaxyo lagu Taageeraayo Shacbiga Falastin lagu Qabanaayo Mogadishu..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Qabanqaabo Banaanbax oo lagu taageeraayo dhibaatada iyo Xasuuqa lagu hayo guud ahaan Shacbiga Falastiin gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Gaza ayaa lagu wadaa in berito lagu qabto Fagaaraha Taalada Sayidka ee magaalada Mogadishu…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka uusan waxba kala socon Qabanqaabada Banaanbaxaan, halka Maamulka Gobolka Benadir iyo Kaadiriinta Xisbiyada Demu jadiid iyo Daljir ay gadaal ka riixaayaan Qabsoomida Banaanbaxaan iyagoo adeegsanaaya Dhalinyarada Baraha bulshada caanka ka ah iyo Gudoomiyayaal Degmo.

Aqooyahanno Soonaaliyeed ayaa taageersan Hadal-jeedintii Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Xamse Cabdi iyo Taageeradii uu ku garab istaagay Shucuubta Reer Falastiin oo wax tar u leh, isagoo xusay in xita hadii u xilka kuwaayo sharafbay isaga u tahay Geesinimo iyo Gobonimo inuu dareenkiisa ku muujiyo Xasuuqa ay Israel wadi ay ku taageersan yihiin USA iyo xulafadooda.

286970cookie-checkMaxaa ka run ah in Banaanbaxyo lagu Taageeraayo Shacbiga Falastin lagu Qabanaayo Mogadishu..