Maxaa Keenay Dib U Dhaca Howlgalada Ciidamada Ee Gobolka Mudug

Somalia news

Iyadoo 3-dii todobaad Ee ugu dambeysay ay Ciidamada huwanta (Ciidamada Dowladda Federaalka (Danab), Kuwa Daraawiishta Galmudug, Maleeshiyaadka madax banaan iyo kuwa degaanka), ay bilaabeen Howlgalo looga sifeynaayo Kooxda argagixisada Shababka oo khatar geliyay Wadada isku xirta Gaalkacyo-Hobyo…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Dhamaan Ciidamadii ka qeyb taala yay Howlgalada ay dib ugu soo laabteen Habeen hore Degaanka Bacaadweyn, isla markaasna ay tuulada Qey-cad ay dib u qabsadeen Kooxda argagixisada Shababka dagaal la’aan, waxaana la sheegay in Howlgalkaasi uu ka muuqdo habacsanaan iyo qorshe xumo, iyadoo sidoo kale Dowladda Federaalka ay ka jaratay Saadkii iyo Sahaydii ay ku taageereysay Howlgalada.

Dhanka kale Waxaa la xaqiijiyay in habeen hore saqdii dhexe koox degaanka ka soo jeeda ay gubeen Tower-kii weyn ee Isgaarsiinta Hormuud ku laheyd inta u dhaxeysa Gaalkacyo-Wisil (Zone Wargalo), Towerkaan ayaa u fududeyn jiray Khadka talephonada Degaanada Hobyo, Wisil, Camaara, Bacaadweyn, Baxdo Qey-cad iyo degaano kale.

Maxaa isku xiray dib u gurashada Ciidamada iyo gubista Towerka Isgaarsiinta Hormuud oo xiligaan la wado abaabulka dib u dayactirka, kaasoo la sheegay inuu dhaqaale badan ku baxeyso, Shababka ayaa dhaqaale ku bixiyay in la gubo, Faanoole Fari kama qodna).

131660cookie-checkMaxaa Keenay Dib U Dhaca Howlgalada Ciidamada Ee Gobolka Mudug