Boobka Deeqaha Gargaarka iyo Xiliga Kala Guurka

Somalia news

Warbixino la soo gaarsiyay Website-kaan ayaa muujiya Musuqmaasuqa xoogan oo ka jira Wasaarada Maareynta Gargaarka iyo Masiibooyinka, iyadoo macaawinadii loogu tala galay Fatahaadaha ay Madaxda Wasaarada Wakiilo iyo Ganacsato ugu iibiya Suuqayada Magaalada Muqdisho…

Xogtaan ayaa Diinah.com news Soo gaarsiyay fariimo ay is weydaarsadeen Wasiir Kuxigeenka Maareynta Gargaarka iyo Masiibooyinka Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Xasan iyo Ganacsade heshiis la galay, iyagoo ku heshiiyay 1000 Teendho in laga iibiyo Ganacaadaha.

Iyadoo Teendhooyinkaan loogu tala galay Degmooyinka B/Weyne,Jowhar iyo Afgooye, Wuxuuna Wasiir Kuxigeenka kula heshiiyay Ganacsadaha in laga Iibiyo Teendhooyin, iyadoo Ganacsasaha Loo raray 150-Teendho, inta ka soo hartay Sida uu Heshiiska ahaa Waxaa ka baxay Wasiir Kuxigeenka Oo lacago aan la cayimin hormarsaday sida ku cad lifaaqa hoosta ku xusan.

Xiligaan Oo kala guur lagu jira ayaa Mas’uuliyiinta Maamulka Farmaajo waxey bilaabeen iney boobaan hantida Loogu deeqay Shacbiga dhibaateysan ee Soomaaliyeed.

52790cookie-checkBoobka Deeqaha Gargaarka iyo Xiliga Kala Guurka