Maxaa Keenay Hoos u Dhaca Sarifka Qiimaha Lacagta US$ ee Kenya & Sababta ka Dambeysa..

Africa News Economie

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in 4-tii maalin ee u dambeysaa ayaa Suuqyada Sarifka ee Shilinka Kenya iyi US$ uu sabeynaayay isla markaasna uu sare u kac weyn ku yimid qiimaha sarifka Shilinka iyadoo ay uga waxan tahay lacag badan oi US$ oo Dowladda Suuqyada ku soo fasaxday…

Wararka ayaa sheegay in Markii hore 100-US$ lagu sarifi jiray 16500 uu hoos ugu dhacay 13200, taasoo khalkhal ku keentay Suuqyada oo inta badan ay istaagaan wax kala iibsiga, Qiimaha sarifka lacagta dollarka ayaa aad hoos u dhacay dalka Kenya iyadoo qiimaha shilinka Kenya uu dib usoo kabtay muddo kooban.

Waxaana la sheegay in Dowladda ayaa suuqa soo geliso 2-Billions US$ taasoo hoos u dhac ku keentay Suuqyada, iyadoo aan wax isbedel uu ku imaanin Maciishada iyo Qiimaha Shidaalka, iyadoo Ganacsatada iyo Qeybaha Safarka ay welwel ka muujiyeen sabeynta Sarifka, waxaana istaagay dhamaan qiimihii wax lagu kala iibsanaayay.

Inkastoo uu shalay oo Jimci aheyd uu sarifka US$-100 uu soo kabasho bilaabay wuxuuna gaaray 15300 in kagu sarifo, iyadoo Khakhalkaan lagu fasiray Dowlada Kenya oo Lacago badan suuqyada ku soo harqisay si uu qiimo u yeesho Shilinka Kenya, balse wax badan iskama bedelin, inkastoo khasaare badan uu soo gaaray Qeybaha Sarifka ka ganacsada.

308920cookie-checkMaxaa Keenay Hoos u Dhaca Sarifka Qiimaha Lacagta US$ ee Kenya & Sababta ka Dambeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com