Ma Dhabaa in Ciidamo Cusub Ajaaniib ah ay Oggaalatay Madaxtooyada iney ka Howlgalaa Somalia..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe cusub oo si hordhac ah loogu heshiiyay kadib bixitaanka Ciidamada ATMIS ee ka howl gala Konfurta Somalia, iyadoo Qorshahaan ay ku jiraan Ciidamo cusub oo dhawaan soo gaari doona Dalka kuwaasoo bedeli doonaa kuwa Midowga Africa…

Sida laga soo xigtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Hassan Sheekh Mohamud ayaa faahfaahin ka bixiyay soo jeedinta Ciidamada “Qaranka badan” ee la qorsheeyay iney ka howlgalaan Dalka marka Ciidamada AU-ATMIS_Somalia ay ka baxaan dhamaadka sanadkan, iyadoo joogitaankoodu uu noqon karo muddo ku sugan 12-bilood, inkastoo aan la ogeyn dhab ahaan Qorshahaan cusub.

Wuxuuna sheegay iney weli socdaan wada hadalada Malafkaan ku saabsan, isagoo xusay in Ciidamo tiradoodu u dhaxeyso 3000-8000 Askari lagu qiyaasay tiradooda kuwaasoo u xil saarnaan doona Xarumaha Dowlada muddo cayiman, wuxuuna intaasi raaciyay in Ciidamadaan cusub aysan qeyb ka noqon doonin howlgallada ka dhanka ah Shabaabka, ayuu hadalkiisa ku daray.

Khubarada Amaanka ayaa wel wel ka muujinaaya joogotaanka Ciidamo Calooshod u shaqeystayaal ah oo uuna madax u yahay Madaxa Shirkadda ee Black Water Mr.Erik Prince oo xaruntiisu tahay magaalada Abu Dhabi kuwaasoo xiligaan ku sugan Magaalooyinka Berbera, Boosaaso, Kismaayo iyo Mogadishu, ilaa hadda Xildhibaanada iyo Senateeda aysan ku baraarugsaneyn dhibaatada uu Shaqsigaan la maagan yahay Somalia sida Libia, Sudan iyo Yemen oo uu gabood falo balaaran ka geystay.

308880cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamo Cusub Ajaaniib ah ay Oggaalatay Madaxtooyada iney ka Howlgalaa Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com