Maxaa Keenay In Shaqaalaha Tawarka Hargeysa ay Fariimo Khaldan u Diraan Diyaaradaha Rakaabka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa falal ay ku dhaqaaqeen Madaxii iyo Shaqaalaha Taawarka Magaalada Hargeysa ay kuwaasoo Fariimo khaldan oo khal khal geliyay u direen Diyaaradaha dul maraaya magaalada Hargeysa, talabadaan oo lagu tilmaamay “Burcad Hawada Isbaaro dhigatay” Dembiyo Caalami ah galeen…

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Madaxa Laanta Duulista Hawada Hargeysa (Harga) oo Magaceeda lagu sheegay Sagal Axmed Cabduulaahi oo degaanka ka soo jeeda ay Dowladda Federaalka tababar ugu dirtay Magaalada Khartuom si loogu tababaro Madax Laameed ee hawada kana howlgaleysa Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ay laheyd qorshihii lagu khalkhal geliyay Diyaaradaha Hawada maraayay, waxaana lagala noqday aqoonsigii ay ku howlgeli jirtay dhinaca Hawada.

Eedeysanada ayaa Gal-dacwadeed ka diyaariyeen Boliiska Soomaaliyeed loona gudbiyay Macluumaadkeeda Boliiska Caalamiga ee (Interpol) so ay gacan uga geystaan soo qabashadeeda, Gabadhaan ayaa la sheegay iney xiriir toos ah oo VHF kula xiriirtay dhowr diyaaradood oo Hawada magaalada Hargeysa dul maraayay kuna amartay iney si toos ula xiriiraan Xafiiska Hargeysa.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Eedeysanada (Sagal) ay ku wargelisay Kabtanka-ka Diyaarada in garoonka diraayadaha Mogadishu uu qarax ka dhacay, waxeyna kula talisay iney ka weecdaan Hawada Somalia oo dib ugu laabtay Garoonka Diyaaradaha Djibouti, iyadoo Xiisadaan Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiistii tagay looga hadlay dhacdadaani go’aanana laga soo saaray.

Falkaan ayaa lagu fasiray Cyber-attac oo jabsasho dhinaca Internet-ka, iyadoo Qalabkaan la xaqiijiyay in laga soo iibiyay Maamulka Gooni goosadka Taiwan lana soo marsiiyay Garoonka Diyaaradaha Addis abeba, Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa Note u diray ICAO kuna war gelisay ineysan Wax xog ah ka qaadan karin Laanta HAGSA hoosena loo dhigay maqaamkeedii kadib Wararka been abuurka ah ay faafisay Madaxa laanta HAGSA ee (SCAA).

308950cookie-checkMaxaa Keenay In Shaqaalaha Tawarka Hargeysa ay Fariimo Khaldan u Diraan Diyaaradaha Rakaabka..