Maxaa Keenay in Ciidamada Dowlada ay Dib uga Gurtaan Degaanka Xawaadley ee Degmada Balcad..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dib u gurasho ay ku dhaqaaqeen Ciidamada Dowlada Federaalka oo kaashanaaya kuwa Degaanka ee ku sugnaa Tuulada Xawaadleey iney isaga baxeen gudaha deegaankaasi, lamana oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iney soo baneeyaan Xawaadleey…

Wararka ayaa sheegaya in Koox ka tirsan kooxda Argagixisada Shabaabka ay soo buux dhaafiyeen degaanada hoostaga Tuulada Xawaadleey oo ka mid ah Degaanada hoostaga Degmada Balcad, Degaankaan ayaa ah mid Istraateeji ah ee dhaca jiinka wabiga Shabeelle ayaa sanadkii hore laga xureeyay Shabaabka, isla markaasna 10-KM u jirta Degaanka Qalimow.

Iyadoo Wararku ay sheegayaan in Maleeshiyaadka Kooxdani ay dhaqdhaqaaq ka bilaabeen degaanada Shanlow, Dhagaxow iyo Farbaraki oo dhamaan ku yaala nawaaxiga Degaanka Xawaadleey, Dadka Rayidka oo Beeraley u badan ayaa ka cabsi qaba in dhaqdhaqaayadaan u dhaxeeya kooxda Shabaabka iyo Ciidamada Dowladda oo sababi kara in korkooda lagu dul dagaalamo.

330070cookie-checkMaxaa Keenay in Ciidamada Dowlada ay Dib uga Gurtaan Degaanka Xawaadley ee Degmada Balcad..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *