Gole Badbaadin Degaanada Galmudug Oo Looga Dhawaaqay Mogadishu

Somalia news

Madal ay ku mideysan yihiin Aqoonyahanno, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqmeed iyo Waxgarad una istaagay Badbaadada Dowlad Goboleedka Galmudug, ayaa la filayaa in Maanta Oo Arbacada ah looga dhawaaqo Magaalada Mogadishu, waxaana si weyn degmooyinka gobolka looga dareemayaa abaablka munaasabadda daahfurka..

Ujeeddada dhidibada loogu taagayo, Madashaan, ayaa lagu sheegay in cadaadis lagu saarayo Qoorqoor, oo hore u diiday farriimo ay qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug u gudbiyeen, waxeyna ku eedeeyeen inuu ku fashilmay Hogaanka Maamulka, isla markaana uu intii uu ku fadhiyay kursiga ugu sarreeya uu u adeegay kaliya Kooxda Farmaajo.

Qorqor, ayaa lagu eedeeyay inuu qeyb ka noqday, Maamulo madiidin u ah Farmaajaha Fashilmay una adeegsado, Hirgelintii Muddo kordhintii Fashilmatay, abuur Ida Xiisado Colaadeed Beelaha Galmudug Wada dega qaarkood, wuxuuna muddo qeyb ka ahaa shirqoolo iyo dhagaro dhan ka ah Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay Qorqor inuu ka gaabiyay la-dagaalanka Kooxda argagixisada Shababka kuwaasoo degaano dhowr ah Oo Galmudug ka tirsan qabsadeen, iyagoo tiro badan oo Gadiid dagaal ah ka qabsadeen, waxeyna xiligaan Halis ku yihiin iney qabsadaan Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Dekada Magaalada Hobyo.

163050cookie-checkGole Badbaadin Degaanada Galmudug Oo Looga Dhawaaqay Mogadishu