Dagaalka & Dacaayada Horgalada Urur Diimeedka Al-Ictisaam ma yahay Bilowga Mucaarad Diimeed ee Dowlada

Somalia news

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday hadal heynta muuqaalka uu duubay Sheekh Umal oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi iyo jawaab celin ay ka sameysay Wasiir Khadiijo oo ka mid ah haweenka siyaaadda ugu jira u alalaasidda Madaxda markaas xilka heysa, hadalkaas ayay dadku siyaabo kala gaddisan u fasireen….

Dadka qaar waxa ay dooddooda u dhigeen in Wadaada (Umul) uusan Wasiirada (Khadiijo) u socon balse bartilmaameedkiisu uu yahay bar-bilowga mucaarad diimeed oo ka dhan ah Dowladda cusub ee Federaalka oo kursiga ka bedeshay Farmaajo oo UMAL uu taageero u ahaa, halka ay dad kale ku macneeyeen in Sheekhu kaliya uu shaarka diinta u gashto qofkii ay maalin is qabtaan.

Ku Darsoo (Akhristow), Ururka uu Wadaadka ka tirsan yahay waxey dhaleen Shababka, Waana isku day uu Wadaadka iyo Kooxda Ictisaam ay ku doonayaan in laga weeciyay ama ugu yaraan hakad la geliyo Ololaha “Xorreey degaankaaga”, iyadoo xiligaan Shacab iyo Dowlad gacan gurmadka abaarraha uga qeyb qaado, gacanna cadowga argagixisada kaga xorreey degaanka.

Wadaada Umul & Xasan Daahir hadii ay doodoodu daacad ka tahay maxey ugu nasteexeyn waayeen Ilhaan Cumar oo si aan qarsoodi ahayn u taageertay dadka isku jinsiga ah ee isku taga, aan xijaaban, waddooyinkana ku xaragoota EY, ay xannaana ahaan u heysato, isla-markanaana ay u beegsadeen Khadiijo oo sarwaal ku labisatay?

Xasan Daahir & Umal waxey qalad iyo saxba ku taageereen Farmaajihii Fashilmay oo dhaqaale ku siin jiray taageeradooda, maadaama uu Farmaajo meesha ka baxay hadda wuxuu isku diyaarinayaa inuu la dagaallamo Xasan Sheekh oo Islaax ah, Umal waa ganacsade shaarka diinta xirta marka uu dan leeyahay, indho qabyaalad ayuu wax ku eegaa ”Duf ku bax”.

214220cookie-checkDagaalka & Dacaayada Horgalada Urur Diimeedka Al-Ictisaam ma yahay Bilowga Mucaarad Diimeed ee Dowlada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com