Maxaa Keenay in Khilaafka Xasan Sheekh & Saciid Deni looga wada Hadli waayo Magaalada Garoowe..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Xaflad kulmisay Madaxweynaha Somalia & Madaxweynaha Maamulka Puntland oo muddo 18-Bilood oo uu dhex yaalay kala taag Siyaasadeed ayaa ka soo wada muuqday xafladii calerma saarka Madaxweynaha Puntland oo markii 2-aad loo doortay…

Madaxweynaha Somalia iyo kan Maamulka Puntland oo mid walba ka jeediyay munaasabada caleemo saarka ayaa toos u abaarin gunta khilaafka sababta kala maqnaanshahooda laakin waxaa jirtay rajo ay Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ka qabeen in labada Mas’uul gaar isku arki doonaan, iyadoo Madaxweynaha Somalia uu ku hoyday magaalada Garoowe hal habeen.

Iyadoo Madaxweynaha Somalia uusan ka qeyb gelin Xafladii Shacbiga loo dhigey ee Munaasabada Caleemo saarka, Maalintii xigtay ayuu Kulan Qado sharaf la qaatay Madaxweynaha Madaxdii hore ee Dalka, Siyaasiyiinta degaanka iyo Ururada Bulshada Rayidka, Ilo wareedyo ayaa sheegay in Mr.Cabdiraxmaan Faroole uu ka codsadey Madaxweynaha inuu Maalmo sii joogo si looga wada hadlo Khilaafka taagan, laakin Madaxweynaha ayaa ka cudurdaartay Howlo iyo Safaro uusan ka baaqsan karin ay horyaalaan.

Khubarada u dhoon daloola khilaafka labada Mas’uul u dhaxeeya ayaa aad ula yaabay ineysan wakhti gelin sidii khilaafka jira loo xalin lahaa oo la fahansan yahay inuu yahay mid shaqsi ah kana dhashay Xilka Wasiirka 1-aad oo Mr.Deni aad u daneynaayay in loo xusho, Wararka ayaa sheegay in Xasan Sheekh ma dooneynin in xiligaasi Garoowe lagu wada hadlo si loo tuhun bixiyo Wasiirka 1-aad (Xamse) iyo Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

Ku darsoo Koox Siyaasadeedka Aaran jaan oo weli ka gadoodsan Guusha Mr.Deni isla markaasna aan ka soo muuqan Xafladaha uu Saciid Deni dhigtay ayaa la sheegay iney aad fursad u aragta sida uu Madaxweynaha Somalia xiisad badan ugu qabin inuu Madaxweynaha Puntland kala gorgortamo arrimaha Shaqsiga ee la isku hayo, waxeyna fursad u arkaan in Jagooyinka Dowlada Federaalka ka banaan ee Saami Puntland iyaga laga talo geliyo.

304560cookie-checkMaxaa Keenay in Khilaafka Xasan Sheekh & Saciid Deni looga wada Hadli waayo Magaalada Garoowe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com