Maxaa Loo Bartilmaameedsaday Madaxa Ilaalada Musharax Daahir Gelle

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Qarax miino oo ay xalay lagu weeraray Cumar Cabdiraxman Madaxa Ilaalada Musharax Daahir Maxamuud Geelle, kaasoo dhaawacyo ka soo gaareen, balse looga daba tagay Isbitaalka si loo khaarijiyo, waxaana la sheegay in falkaan lagu EedeeyaySaraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka…

Xogtaan Ayaa tilmaamtay in Saraakiisha kala ah (Odawaa iyo Faarax Qaroole), ay Isbitaalka ugu tageen xalay Sarkaalka iyo Xubnaha kale Ee dhaawaca ahaa si loo dhameystiro, bacdamaa uu Sarkaalka ka soo horjeestay in Ciidamada ka amar qaata uu xeryaha dib ugu celiyo, Sarkaalka iyo Ilaaladiisa ayaa Magacyadoodu waxey kala yihiin:- Yaasiin Muxyadiin Khaliif (Darawalka), Xuseen Cali Xasan, Abuurka Maxamed Cabdulle.

Ilo wareedkaan ayaa Wardiyaha Diinah.com news u sheegay in bartamihii bishii January 2021 Dalka Eritrea laga keenay Miinooyin, iyadoo laga soo dejiyay xili habeen garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu, waxaana la kala dhigay Xarumaha Madaxtooyada iyo Hey’adda NISA, iyadoo sidoo kale la howlgeliyay Kooxo Dhalinyaro ah oo isugu jira kuwa Shababka ka soo goostay iyo kuwo ka tirsan Ilaalada Shacbiga.

Inkastoo uu si nabad ah Saakay uga dhoofay garoonka Magaalada Mogadishu Bukaanka Cumar Cabdiraxman, kaasoo loo qaaday Magaalada Nairobi si loola tacaalo dhaawacyada ka soo gaaray miinada, ayeey mar kale isku dayeen iney garoonka ku hor istaagaan, balse si nabad ah ayuu uga dhoofay.

101550cookie-checkMaxaa Loo Bartilmaameedsaday Madaxa Ilaalada Musharax Daahir Gelle