Ma Dhabaa in Cabasho Wasiir Xilka Looga Qaaday Danjirihii Somalia ee Uganda…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Xil ka qaadis lagu sameeyay Danjirihii Somalia ee Dalka Uganda, kadib markii uu Dacwad Cabasho ah ka gudbiyay Wasiirka Dhalinyarada ee Dowladda Federaalka kaasoo ku eedeeyay Danjiraha inuusan ku soo dhaweynin Garoonka Diyaaradaha ee Entebe ee Uganda…

Wararka ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibeda uu u yeeray inuu soo galo Xarunta Wasaarada Danjiraha Somalia ee Dalka Uganda, isagoo lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay inuu soo dhaweeyo Wasiirka Dhalinyarada Dowlad Federaalka oo horey u degenaa Dalkaasi, Falkaan ayaa lagu tilmaamay in Wasiirka Arrimaha Dibeda uu beel maray Nidaamka u degsan xil ka qaadista Danjiraha.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ayaa horey cabasho loogu gudbiyay inuu talaabo ka qaado Safiirada Somalia ee Dalalka Zambia iyo Syria kuwaasoo lagu eedeeyay iney u kala eexdaan Muwaadiniinta Somalida iyo iney Dhaqaale baad ah weydistaan Ganacsatada Somalia ee Dalalkaasi ka howlgala.

284270cookie-checkMa Dhabaa in Cabasho Wasiir Xilka Looga Qaaday Danjirihii Somalia ee Uganda…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com