Maxaa Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Mursal Ku Xiray Farmaajo

Somalia news

Go’aanada uu qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ee muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa ku xiray mustaqbalkiisa Siyaasadeed Madaxweyne Muddo xikeedkiisu dhamaaday, halkii laga rabay inuu ugu yaraan dhexdhexaad ka noqdo loolanka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Siyaasada Dalka….

Talaabadaan ayaa soo bilaabatay sanadkii 2018-kii markii uu Mursal qabtay Mooshin dhan ka ah Farmaajo, wuxuuna xiligaasi wajahay cadaadis iyo cabsi gelin xoogan oo uu kala kulmay Horjooge Farmaajo oo korontadii iyo Biyihii ka jartay hoygiisga ku dhex yaal Madaxtooyada dhexdeeda, ilaa lagu qasbo inuu u soo guuro Hoteel ku dhow garoonka Diyaaradaha.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Sheegaya in Mr.Mursal oo degan Magaalada Ankara isla markaasna qaba baahi dhaqaale oo xoogan, ayaa wuxuu Taageerayaasha u sheegay inuu aad uga cabsado Farmaajo hadii uu ka horyimaadana in awood Ciidan loo adeegsado balse ay arrintu ka weyn tahay taageero dhaqaale iyo culeys, waxaana la sheegay Mursal ay dukumentiyo sir ah ka hayaan Saraakiisha Sirdoonada Turkiga iyo Qatar oo la safan Mr.Farmaajo.

Kooxaha Mucaaradka ayaa sameeyay isku dayo ay ku soo xero gelinayaan Mursal kuwaasoo ku soo dhamaaday natiijo la’aan, iyagoo habeenkii 8-da February Talo ugu soo jeediyeen inuu Madaxweyne KMG ah Dalka ka noqdo, wuxuu si cad ugu sheegay inuusan awoodin in taladaasi uu xiligaan qaato sababo dhowr ah uusan cayimin.

Waxaase wax la la yaabo ah in Mr.Mursal uu dakano Siyaasadeed u galo xiligaan kala guurka ah kuna xiro mustaqbalkiisa Siyaasadeed, kadib markii uu yaqiinsaday in kooxaha Mucaaradka aysan laheyn awood ciidan iyo Mowqifka Wakiilada Beesha Caalamka oo uu ku fasiray mid Jilicsan kadib dhacdadii 19-kii February, Waxaa kaloo la sheegay waxa Mursal ku qasbaaya Taageerida Farmaajo ay tahay xifaaltan kala dhaxeeyo C/Casiis Lafta gareen iyo C/Weli Muudey.

Waxaa sii dhiiri galiyay Mursal Xildhibaanada aan isku hubin in dib loo doorto Doorashada soo socota ayaa waxey Isbaheysi isla noolaasho la sameeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka oo kursiga uu ku fadhiyo ay aad u daneynayaan Lafta gareen iyo Muudey kuwaasoo hunguri uga jira iney bedelaan, marka lagu daro hubanti La’aanta heysta xiligaan Mr.Farmaajo waxey dhalisay iney kooxahaan isku qanciyaan muddo kororsi 2-sano ah waana taaso xalka ugu sahlan xiligaan adag ay kooxdaan uga gudbi karaan.

105680cookie-checkMaxaa Mustaqbalka Siyaasadeed Ee Mursal Ku Xiray Farmaajo