Maxaabis Somali Ah Oo Dib Loogu Celiyay Sacuudiga

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Tiro maxaabiis ah oo Muddo dheer ku xirnaa, ayaa la sheegay in Maamulka Xabsiyada Jiddah (Sacuudiga) ay u tarxiileen Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya, iyadoo Maxaabiistaasi loo diiday iney gudaha u galaan Magaalada…..

Xogtaan Ayaa tilmaamtay Dowlada Sacuudiga ay dhowaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka dejisay tobaneeyo kamid ah Maxaabiis Soomaali ah oo laga qabtay gudaha Sacuudiga, kuwaasoo la damacsanaa in loo soo celiyo Somalia hase yeeshee waxaa dib loogu celiyay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Kenya ayaa diiday in dalkeeda laga sii saaro diyaarad kale oo ka dajisa Somalia, iyadoo ay lacagta biixn doonto dowladda Sacuudiga, waxeyna Boqortooyadu sheegtay in aysan diyaaradaheeda ka dagi karin Muqdisho sababo amni halka Kenyana ay sheegtay in aysan xiriir wanaagsan la laheyn Somalia.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Maxaabiistaasi laga dejin doono magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaasoo laga soo saari doono diyaarad kale oo Somalia laga leeyahay, iyadoo heshiis la la gaaray Ethiopia Airlines.

69170cookie-checkMaxaabis Somali Ah Oo Dib Loogu Celiyay Sacuudiga