Xuuraankii Ugu Dambeeyay Ee Kulamada Maamulada Gobolada

Somalia news

Xuuraanka soo gaaraya Warsidaha Diinah.com news ayaa sheegaya in is-afgarad guud laga gaaray kulamadii wada tashiga ahaa Ee u dhaxeeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada taabcsan Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo Puntland iyo Jubbaland…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in is-jiidjiid dheer kadib lagu heshiiyay qodobada hoos ku xusan kuwaasoo la sheegay in shaaca laga qaadi doono maalinta Talaadada ee soo socota.

Arrimaha Doorashada:

-Shirka Madaxda DG oo guud ahaan lagu heshiiyay

-Wasiirka 1-aad Mr.Rooble inuu ku soo biira Kulanka.

-In 2-da Dowlad Goboleedyada (Galmudug iyo H/Shalle ay la Kulmaan Gudoomiyaha Aqalka Sare.

-Midowga Murashaxiinta oo u tanaasulay in hogaanka Doorashada ay wada maamulaan RW Rooble iyo Madaxda DG.

Arrimaha Farsamada:

  1. Maamulka Doorashada JL oo loo daayo DG Jubbaland.
  2. Xubnaha Guddiyada ee la magacaabay oo lagu soo beddelo xubno karaamo iyo ixtiraam ku leh bulshada
  3. Maamulka iyo Maareynta Doorashda SL oo loo daayo Mudane Abdi Hashi (most senior politician from SL) iyo siyaasiyiinta SL si wadajira ah oo heshiis lagu yahay
  4. Madaxda DG oo saxiixa in ay doorashada u maamulayaan si hufan oo cadaalad ah
  5. Beesha Caalamka oo goob joog iyo damaanad ka ahaata fulinta heshiiska. Taageero dhaqaale iyo Farsama u fidisa Guddiga Maamulka Doorashada ee cusub.

105710cookie-checkXuuraankii Ugu Dambeeyay Ee Kulamada Maamulada Gobolada