Maxaa Xiligaan Geliyay Jahwareerka Siyaasada Arrimaha Dibeda Ee Dowlada Federaalka…

Somalia news

Hogaanka Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay jiheynta Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Dalka, iyadoo ay soo baxaayaan falal is ka horimaanaya oo ay ku kaceen Maamulka Xasan Sheekh ayna ugu horeyso Qaabka loo maareynaayo Bixitaanka Ciidamada ATMIS..

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynayaasha Uganda iyo Kenya oo ay Ciidamada ugu badan ka joogaan Howlgalka ATMIS walaac ka muujiyeen khataraha kooxaha Argagixisada iyo Amaan-darrada ay arrintaasi ku keeni karto “Gobolka” waxayna xaqiijiyeen inay ka go’an tahay xoojinta Nabada iyo Amniga.

Xuuraano la helay ayaa xaqiijinaaya in sida Qorshuhu yahay waxaa Dalka Bisha Juun ka bixi doona ilaa 4000-Askari ee ATMIS ah, iyadoo ka bixitaankani uu khatar ku yahay amniga guud ee Dalka, marka loo eego diyaarsanaanta Ciidamada Somalia iyo awooda dhinaca ay is hayaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Somalia ayaa kulan la qaatay Danjiraha Russia kaasoo looga hadlay dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka socda Somalia, Dowladda Federaalka ayaa la kaashaneysa Sanadihii ugu dambeeyay Dalalka Reer Galbeedka haatana u gacan haatineysa Russia. China iyo Iran, talaabadaan oo lagu tilmaamay mid khatar ku ah siyaaada arrimaha Dibeda ee Dalka.

Ku darsoo Madaxweynaha Somalia ayaa Dhambaal Tacsi ah u diray Dowlada Iran geeridii ku timid Madaxeynihii Dalkaasi Ebraahim Raisi iyo Wasiirkii Arrimaha Dibeda Amir-Abdollahian iyo xubno kale oo Shil Diyaaradeed ku wada geeriyoodeen, Tacsidaan miyeey horseedi kartaa in looga faa’iideysto xiriir soo celinta.

Safaarada Iran ee Nairobi ayaa deg deg uga soo jawaabtay Tacsida Dowlada Federaalka, iyadoo ka gudoontay Dhambaalka balse waxey dalbatay xiriirka labada Dal ee Muslimiinta ah gaar ahaan “Diblomaasiyada”, xiriirkaan oo jarnaa tan iyo 2016-kii kadib markii Maamulkii Xasan Sheekh uu ku eedeeyay Iran iney fara gelin ku heyso arrimaha gudaha iyo faafinta Afkaarta Shiicada.

327780cookie-checkMaxaa Xiligaan Geliyay Jahwareerka Siyaasada Arrimaha Dibeda Ee Dowlada Federaalka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com