Share the post "Maxaa Xiligaan Howlgab ka dhigay Hogaankii & Howlgaladii Hey’adda NISA"
Warbixin wel wel xambaarsan ayaa tilmaameysa in Hogaanka Hey’adda NISA oo sanadkii ugu dambeeyay lagu eedeeyay inuu howlgab ka dhigay Howlgaladii Hey’adda NISA ka fulin jirtay Degmooyinka Gobolka Benaadir isla markaasna uu shaqada ka eryay tiro badan oo Xoogaga Hey’adda ka tirsanaa..
Horjoogaha Hey’adda NISA ee xiligaan Mr.Cabdullaahi Sanbalolshe oo lagu eedeeyay inuu shaqaale gunno joogto ah ka qaato Hey’adda Sirdoonka Ethiopia oo bishii April ee sanadkii hore xilka uu u magacaabay Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia, ayaa u horseeday iney Caasimada Amaankeeda uu faraha ka baxo oo ay Maleeshiyaadka Shababka ku dhiiradaan iney si joogto ah weeraro hoobiyayaal ah ku duqeeyaan Garoonka Diyaaradaha iyo Degmooyinka Gobolka Benaadir.
Fashilkaan siyaasadeed iyo waxqabad la’aanta hareysay Hey’adda NISA iyo Boliiska ayaa lagu fasiray in Hogaanka Xasan Gurgurte oo ku mashquulay inuu safaro diyaaradeed isku maaweeliyo halkii uu ka shaqeyn lahaa inuu u xusho Xilalka Amaanka Caasimada Muwaadiniin aqoon iyo xirfad u leh adkeynta Amaanka iyo Dib u soo celinta degenaanshaha Xasiliinida Caasimada, waxaana ka qaxay inta badan Diblimaasiyiinta Shisheeye ee Xarunta Xalane.
Kadib markii ay kordheen weerarada Hoobiyayaasha kooxda Argagagixasada Shababka ee magaalada Mogadishu iyo Xarunta AUSSOM, isla markaasna Xasan Gurgurte ka gaabiyay inuu isbedel ku sameeyo Hogaanada Hey’adaha Amaanka kuwaasoo ka gaabiyay iney xakameeyaan Hoobiyayaasha joogtada ka noqday.