Ma Dhabaa in Kooxda Argagixisada Shababka weli ku Leeyihiin Kanaalo Baraha Bulshada

Somalia news

Inkastoo ay iska kaashadeen Dowladda Federaalka iyo USA sidii hawada looga saari lahaa barihii Warbaahineed Kooxda Argagixisada Shababka ku lahaayeen Sida Facebook, Tweeter, Web-Sides iyo kuwo kale, ayeey qaarkood ku guuleysteen halka kuwo kale weli ay shaqeynayaan…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay iney Kooxdaani weli u shaqeyneyso Qaar badan oo ka mid aaladaha baraha Bulshada sida “Telegram“ oo saameyn ku leh isla markaasna laga maamulo Dalka Russia ayeey ku keeyihiin Baro badan oo ku faafiyaan Aragtidooda guracan kuna soo jiita Dhalinyaro badan oo Somali iyo Ahaaniib ah oo Dalka Dibadiisa ku nool.

Dowladda Federaalka iyo Dalka USA ayaan la ogeyn iney ka war qabaan Kanaaladaan iyo sababta talaabo looga qaadi la’yahay marba hadii ay amar soo saareen kaasoo lagu xakameynaayo Faafinta wararka kooxda, inkastoo amarkaasi ay dhibane u yihiin Wariyayaasha Madaxa banaan oo caburin lagu hayo.

Ururada Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda Wariyayaasha ayaa walaac ka muujiyay “ Amarka lagu soo rogay Warbaahinta madaxa banaan” ee Somalia, iyadoo mid ka mid Wariyayaashasi uu wajahaayo Dacwad ay Dowladda Federaalka ka gudbisay dhageysigeedana uu haatan ka socdo Maxkamadda Gobolka Benaadir lana filaayo in Xukun ay soo saarto.

238100cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Argagixisada Shababka weli ku Leeyihiin Kanaalo Baraha Bulshada